Soomaali xiriir la leh Al-Shabaab oo lagu maxkamadeeyay Maraykanka

Sida ay qortay wakaalada wararka AP, Waxaa maxkiamad ku taalla dalka Maraykanka ay xukun ku riday laba nin oo Soomaali Maraykan ah kuwaasoo lagu helay eedeymo la xariira argagixisanimo.

Maxkamadda xukunkan riday oo ku taalla gobalka Minnesota, ayaa sheegtay in labada ni lagu kala xukamay  20 iyo 10 sano oo xarig ah.

Sida ay lee yihiin xeer beegtida maxkamadda Minnesota,  Maxamuud Saciid Cumar oo 47 jir ah ayaa lagu xakumay 20-sanno oo xarig ah kaddib markii maxkamadda federaalka ee magaalada Minneapolis  ay ku heshay inuu door ka qaatay hagidda wiil dhallinyaro ah oo Minnesota uga tagay sidii uu uga mid noqon lahaa Ururka Al-Shabaab ee ka dhisan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale nin kale ayaa lagu magacaabaa Kamaal Saciid Xasan waa 28 jir ah waxaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kaddib markii uu qirtay inuu ka mid ahaa Al-Shabaab.

Sida ay lee yihiin madaxda maxkamadda Mr. Kamaal ayaa sheegay  inuu la tababartay Al-Shabaab, isla markaana uu ka qeyb-galay dagaallo dhexmaray kooxda iyo ciidamada Ethiopia sannadkii 2009-ka.

Kamaal waxa uu ka mid ahaa 20 dhallinyaro ah oo tan iyo sanadkii 2007 Minnesota ka tagtay si ay ugu biiraan Al-Shabaab sida ay lee yihiin hey’adda ammaanka Maraykanka sida FBI-da.

Kadhiibo Fikirkaaga qoraalkan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here