Soomaali loo diyaariyey inay ismiidaamiyaan Dalka Yeman

al-shebaab2_2411444bWargeyska Yemen Today ayaa daabacay in safiirka Mareykanka ee u fadhiya Sanca Mathio Toler uu isaga baxay dalka Yemen waxana halkaasi gaaray taliyaha ciidamada badada Mareykanka kadib markii ay sirdoonka Mareykanka ay sheegeen in ay jiraan weeraro lala damacsan yahay in lagu qaado safaarada Mareykanka ee Yemen uu ku leeyahay iyo xarumo ciidamo Mareykanka ee dalkaasi ugu yaala.

Wargeyska waxa hadalkiisa intaasi ku daray in sirdoona Yemen ay ku wargeliyeen safiirka Mareykanka in ay jiraan qorshayaal lagu weerarayo safaarada.

Saraakiisha amaanka qaabilsan oo la hadlay wargeyska waxa ay sheegeen in Al-qaeada dalkaasi dagaalamayaal ka tirsan oo gaaraya 100-dagaal yahan oo kasoo jeeda badankooda Soomaaliya iyo Sheyshaan ay doonayaan in si xoog ah ay u galaan safaarada Mareykanka kadib kulan ay hogaamiyaasha Al-qaeadada dalkaasi ku qaateen gobolka Jowf.

Raga Soomaalida ah ee ay Al-qaeda weerarkaasi u diyaarisay ayaa waxa ay jariidada tilmaamtay in ay yihiin rag ka tirsan Al-shabaab oo dhowaan gaaray dalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here