Soomaali lagu xiray Mexico

downloadBooliska dalka Mexico ayaa sheegay in ay qabteen ilaa 6 qof oo Soomaali kuwaas oo doonayay in ay si sharci darro ku galaan dalka Mareykanka.

Saraakil u hadashey booliska gobolka Chiapas ee Koonfurta dalka Meksiko ayaa xaqiijiyey in muhaajiriintaasi ay muddo 8 maalmood ah lugeynayeen, kaddib markii Kooxihii kula heshiiyey inay geyn doonaan dalka Maraykanka ay kaga dhuunteen gudaha dalka Meksiko.

Sidoo kale,qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha ee gobalka Chiapas ayaa lagu sheegay in Muhaajiriinta Soomaalida oo aad u fuuq baxay , jirkooduna qalalay laga helay Waddada Haywayga ee Palenkuwii Benemarito oo ku dhow xuduudka uu dalka Meksiko a wadaago Guwatemala.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ku dhowaad 2,000-qof oo ajnabi ay qabteen bilihii lasoo dhaafay oo doonayay in ay si sharci darro ku galaan Mareykanka.

Mexico ayaa marin muhiim u ah dadka ajaaniibta ee doonaya in ay si sharci darro ku galaan Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here