Soomaali lagu gubi rabay dalka South Afirca oo la badbaadiyey

Ciidamada booliska magaalada  Johannesburg ayaa ka badbaadiyey koox burcad ah dhalinyaro Soomaali ah oo ay rabeen in ay nolosha ku gubaan.

Kooxdaan burcada ah ayaa weerartay tukaamo ku yaala duleedka magaalada  Johannesburg halkaas oo ay koox dhalinyara ah hal tukaan shirko ku wada ahaayeen dhalinyaro Soomaali ah.
C/wahaab Cali oo ka mid ah dhalinyaradaasi ayaa sheegay in marka hore ay si lama filaan ah ugu soo galeen kooxo hubeysan kadibna ay ka qaateen lacago isla markaana ay ku sameeyeen jir dil.

Waxa kale oo uu sheegay in ay intaasi kadb ku shubeen basiin si ay nolosha ugu gubaan, hase yeeshee ay kasoo gaarsiiyeen ciidamada booliska oo ka badbaadiyey.

Arintaan ayaa waxaa aad uga naxay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ku kala firirsan sagaalka gobolka ee uu ka koobanyahay dalka South Africa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.