Soomaali lagu dilay dalka South Africa

Laba wiil oo Ilma habreed ahaa ayaa lagu dilay dalka South Africa kuwaasi oo ay beegsadeen burcada madow ee dalkaasi.

Sida ay wararku sheegayaan burcadaan ayaa ugu galay goob ganacsi oo ay ku lahaayeen duleedka magaalada Cape Town dhalinyaradaan oo ka tirsanaa ganacsatada laga yaqaano deegaankaasi.

Arrintaan ayaa waxaa aad uga naxay Soomaalida ku nool South Africa oo usoo joogay dhowrki sano ee lasoo dhaafay falalka dilka iyo dhaca ah oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo burcad ah.

Sanadkaan oo qura dalka South Africa waxaa meelo kala duwan lagu dilay Soomaali ka badan 20 ruux oo sababsaday gacanta kooxo burcad ah oo doonayey in ay dhacaan hantiada ganacasatada.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid loo qabtay dilka labada wiil ee ilma habreedka ahaa ee xalay lagu dilay duleedka magaalada Cape Toown.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here