Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka oo maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaraha Muqdisho

Waxaa maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee magaalada Muqdisho sagaal nin oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo laga soo masaafuriyey dalka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa xaqiijiyey ragani in ay soo gaareen magaalada Muqdisho kadib marki ay diyaarad rakaab ah saraakiisha Mareykanka kasoo saareen magaalada Nairobi.

Ka hor inta aanan si xor ah loogu fasixin magaalada ayaa waxaa xiray ragan ciidanka nabadsugida dowlada KMG oo ku sameeyey baaritaan la xiriira in ay yihiin dad horay danbi uga galay dalka iyo in kale sida inoo sheegay C/samad Macalin Maxamuud.

“Waxa maanta la keenay Muqdisho sagaal qof oo dhalashoodu Soomaali tahay oo laga keenay Mareykanka kuwaas oo Soomaaliya loo soo tarxiilay, kadib waxaa la wareegtay hey’ada nabadsugida waxay baartay in ay nimakaaski aheeyeen dinbilayaal oo horay dalka dinbi uga galay kadib waa lasoo daayey xoriyadooda ayaa loo soo celiyey” ayuu yiri.

Sida ay xaqiijisay wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, ragaan ayaa waxaa looga soo tarxiilay Mareykanka danbiyo la xiriira in ay ku galeen si sharci darro ah, waxaana ka hor inta aanan loo suu duulinin Muqdisho ay waaxda socdaalka Mareykanka kala hadleen dowlada FKMG oo aqbashay in dalka loo soo celiyo.

“Sababta loo soo celiyey waxaa weeyey sida safaarada Kenya ee Mareykanka inoo sheegtay, waxay dhamaantood lagu sheegay in si sharci daro ah ku galeen Mareykanka”. ayuu yiri wasiirka.

Waa marki ugu horeysay oo ay dowlada Mareykanka kasoo masaafuriso dalkeeda tiro intaasi la eg oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu soo celiyey magaalada Muqdisho oo wali ka mid ah meelaha ugu qatarsan Africa.