Soomaali la socday dooni ku degtay Giriiga oo gaaray Athens

Muhaajiriin la socday dooni ku degtay oo badbaaday ayaa gaaray Athens
Muhaajiriin la socday dooni degtay oo badbaaday ayaa gaaray Athens

Magaalada Athens ee xarunta dalka Greek, waxaa gaaray 32-qof oo ah dad ka soo badbaaday dooni toddobaadkii horre ku degtay xeebaha dalkaas.

22-ka mid ah dadkii la socday doonta ayaa ku dhintay shilkaas, sidoo kalena waa la la’yahay 22- kalena in kastoo mardambe la helay meydkooda.

Dadkan gaaray Athens 24 ka mid ah waa Soomaali toddobo waa Syrian iyo qof u dhashay dalka Eritrean.

Dadkan gaaray Greek waa loo diidday in magangalyo la siiyo.

Mid ka mid ah dadka soo badbaaday oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka yimaadayn dalka Turkiga, isagoona yiri 24 ayaan ahayn balse doonta waxaan ku saarneyn ilaa 60 qof.

Ninkan oo Soomaali ah ayaa shegay in ay bixiyeen 2,000 oo doollar markii ay ka soo baxayeen dalka Turkiga si dhuumaaleysi loo soo galiyay dalka Greek.

Wuxuu sheegay in ay doonta ku soo jorayn afar saac badda, isagoona yiri ilaalada xeebaha dalka Greek si fiican ayey noola dhaqameyn isla markaana soo baadiyay.

1 COMMENT

  1. asc salan qima badan wad salanmantihin dadkan wixi dhintay oo aomali ah amaba islaam allaha u naxaristo lkn mid ha ogadan ilahay uunan banaeeyn sharciga ay ku dhaq mayaan ama ha usha ay ku socdeen hadey naftoda qatar galin lahayeen ilahay wuu u caroon lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here