Soomaali habeenkii Labaad seexanaya bannaanka xerada la iska dhiibo Ter Apel Nederland

Soomaaliya fara badan oo codsiyadooda magangelyo la diiday ayaa ayaa hor dhooban iridka laga galo xerada la iska dhiibo ee Ter Apel taasoo ah tan ugu weyn wadanka Nederland ee la iska diiwaan geliyo marka la is dhiibayo.

Soomaalidan oo mudo sanado ah bilaa sharci ku noolaa ayaa hada codsanayaan in dib dacwadooda loo eego, iyadoo ay jirto wada hadal u socda Dowladda Nederland iyo Maamulka Somaliland oo ku aadan in dib loogu celiyo dadkaasi gobolada Waqooyi oo xooggaa nabad yar ay ka jirto, maadaama Nederland ay ku doodeyso in dadkaasi ay yihiin kuwo ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland.

Abdiweli Abdullaahi Axmed oo mudo sanado ah ku noolaa wadanka Nederland ayaa qadka Taleefanka iigu sheegay isagoo ku sugan xerada Ter Apel iridkeeda in lagu wargeliyay in dib loogu celinayo Somaliland, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed meel loo celiyo aysan jirin.

Abdiweli wuxuu sheegay in xaalada ay ku nool yihiin iminka ay tahay mid xun, isla markaana qabow dhacaya aLabo habeen ay ku baryeen banaanka iridka Ter Apel oo ah meesha ugu weyn ee la iska dhiibo wadanka Nederland, sidoo kale wuxuu xusay in ay jiraan wada hadalo u dhaxeeya Wasaaradda Caddaalada iyo Maamulka degmada ay ku sugan yihiin ee Ter Apel si dadkaasi ay u helaan hoy ay kaga gambadaan qabowga iyo barafka dhacaya.   Dadkani ayaa waxaa qeyb ka ah caruur yar yar iyadoo xalay ay ahaayeen 16 qof Soomaali ah, balse saakay dadka intaasi ka badan yihiin, waxaana la sheegayaa in tirada iminka ku sugan halkaasi ay dhan tahay 150 qof.

Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND) oo ah hey’adda bixiso sharciyada iyo magangelyada ayaa hortaagan dadkaani, waxayna ku doodeysaa in badankood ay kasoo jeedaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidaasi darteedna dib loogu celinayo deegaanadaasi, waxaana hada socda wada hadalo ku aadan arintaasi, walow maamulka Somaliland go’aanka uu ka qaadan doono arintaasi aysan cadeyn.

Halkan hoose ka daawo Soomaalida dhibaateysan oo cooshash iyo baakado ka sameystay meelo ay qabowga dhacaya kaga gambadaan.:

 

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=GaP1cKlcV14

Ali Muhiadin Ali Muxiyaddiin@hotmail.com Twitter: http://twitter.com/@AliMuhiaddin Facebook: http://www.facebook.com/alimuhiaddin