Soomaali badan oo ka soo qaxday Koonfur Afrika SAWIRRO

Soomaalidii Ugu Tirada Badneyd Oo Mar Qura Kasoo Ambabaxday Johannesburg Koonfur Afrika “SAWIRRO”
Published on March 23, 2013 by Jayte · No Comments · 1,543 views
Tiradii ugu badneyd Muwaadiin Soomaaliyeed ah ayaa maanta ka ambabaxday Garoonka Or Tampo Interntional Air port kadib markii Safaaradda Soomaaliyeed fududeysay inay dadka raba in ay dalkooda dib ugu laabtaan.

Dadka u ambabaxay dalka Soomaaliya oo ay tiradooda gaaraysa 150 qofood isuga jira Dhalinyaro, iyo Qoysas ayaa ku xayrinaaa muddo balse hadda ay ka faa,ideysteen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo bilowday inay ka caawiso Socdaalka.

Dadkani qaar oo hadlayay xilli ay ku sugnaayeen Gagada diyaaraha ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Safaaradda iyo howl wadeenadeeda iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihin inay dalkooda dib ugu laabtaan muddo kadib.

Suldaan Ibraahim Qaxwo oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Johannseburg ayaa isna muujinaya dareenkisa,isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay adeegga ay Safaaradda u bilowday Shacabkeeda, Tan iyo markii Dalkeena laga dareemay Ififaallo nabadeed iyo Horumar wanaagsan ayay Qurba joogta Soomaalida bilaabeen inay dib ugu laabtaan si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo Horumarkiisa.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here