Somaliland oo xukuntay boqor ka qaybgalay shir Muqdisho ka dhacay

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun labo sanno ah waxa ay ku riday Boqor Raabbi Yuusuf Cabdullaahi oo ka mid ah salaadiinta ka qaybgalay shirkii lagu soo xulaayay baarlamaanka Soomaaliya.

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta laba sano oo xarig ah ku xukuntay Boqor Raabbi Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah oday-dhaqameedka Somaliland.

Boqor Raabbi ayaa lagu eedeyay arrimo ka dhan ah madax bannaanida Somaliland.

Garsooraha maxkamadda Hargaysa Cismaan Ibraahim Daahir ayaa sheegay inuu Boqor Raabbi ku dhaqaaqay arrimo badan oo ka dhan ah jiritaanka iyo madax bannaaniada Somaliland.

Waxa la sheegay inuu Boqorka dhowaan tagay magaalada Muqdisho, isla markaana uu kaga qaybgalay shirkii lagu soo xulaayay baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jirra.

Laakin sida ay ku doodayaan qareenada Boqorka, waxa ay lee yihiin wuxuu u tagay magaalada Muqdisho arrimo la xiriira gancsi.

Maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, kaddib dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991-kii.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here