Somaliland oo xirtay dhamaan xududaheeda sababta maxay tahay Dhageyso

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Caraale Nuur oo Shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay Somalialnd xirtay dhamaan xuduudaheeda ay la wadaagto deeganada dariska la ah Somaliland.

Isku socodka deegaanada dariska la ah Somaliland ayaa la xanibay waxa uuna sheegay wasiirka in arintaan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga deegaanada Maamulka Somaliland oo ka dhacayso munaasabadaha Maalinta 18 may oo ah sanad guuradii 22aad ee xiligii Somalland sheegtay in Somaliya ka go,day .

Xuduudaha ayaa xirnaan doona ilaa maalinta barito  galinka hore waxana uuna sheegay in amaanka Xuduudaha aad loo adkeeyay si loola socdo dhaq dhaqaaq sidoo kale waxaa gabi ahaanba la xanibay isku socodka Gaadiidka Gudaha Somaliland .

Dhageyso Shirka jaraa’id ee Maxamed Caraale Nuur

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/caraale.mp3″]

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay in shacabka ka codsanayan in ay muujiyaan dulqaad inta howlgalada wadaan Ciidamada amniga kuwaa oo ka horatagaya falal amaan dara keeni kara waxa uuna ugu yeeray shacbka in Ciidamada la shaqeeyaan .

Maalinta barito ah ayaa lugu wadaa in Munaasabado kala duwan ka dhici doonaan dhamaan deegaanada somaliland kuwaa oo ku xusaya 18 may oo sanad kasta ay xusaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here