Somaliland oo si KMG ah Hawadeeda uga mamnuucday Diyaaradaha QM

Maamulka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah uu hawadiisa uga mamnuucay laga bilaabo maalinta bere diyaaradaha hay’ada QM.

Wasiirka duuliska iyo hawada maamulka Somaliland
Wasiirka duuliska iyo hawada maamulka Somaliland

Tallaabadan ayay Somaliland qaaday kadib markii ay sheegtay, ineey kasoo horjeedo go’aanka doowlada Federalka Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya, Somaliland, ayaa sheegtay ineeysan go’aankaas u hogaansami doonin.

Somaliland, ayaa hay’adaha QM u qaabilsan maamulka duulimaadyada hawada Soomaaliya ku eedeeysay, in ay arintaan kala shaqeeynayaan doowlada Soomaaliya.

Wasiirka duulista hawada ee Maamulka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo u waramayay warbaahinta, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu aad iyo aad uga xunyahay heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen hay’adaha QM u qaabilsan duulimaadyada hawada iyo doowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay in go’aankii ay shalay kala saxiixdeen QM iyo doowlada Fedraalka Soomaaliya, uu dhaawacayo wadahadaladii waayadan usoo socday doowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyo heshiisyadii ay kala saxiixdeen.

Waxa uu sheegay in maamulka Somaliland uu horay usoo jeediyay in la sahmiyo meel dhex dhexaad ah oo ay wada maamulaan iyaga iyo doowlada Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Saraakiil ka socotay QM iyo doowlada Soomaaliya, magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa maamulka duulimaadyada hawada Soomaaliya.

Kadhiibo Fikirkaaga qoraalkan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

5 COMMENTS

  1. anigaa waxay ilaa tahay soliland cidna maa qasbi kartoo markaa ka lexdaa 60 waay inaa wanjiyeen ee aanmaantaa wanajino

  2. reer hargeysa aad ayaan ugu xumahay madama ay ka xumadan hor marka walalahoda somaliyed mida kale waxaan ku qoslay waxaay dhahen waxaan ka manucnahay hawadeyna diyaradaha qaramada midoway in ay isticmalahan hawadeyna kkkkkkkkkkkkkkk hawadiina tee waaye maxaad na faro ku haysan hawade aad ma mushan wax hawa ah oo aad gacan ku haysan maba jirtee

  3. Anagoo ah dad reer Koofur ah, ayaan waxan tageereynaa Somaliland in hawadeed iyadu leedahay. Haddi eyn rabin in ey wax nugu darsadaan, maxaa loo khasbaaya?
    Haddii laisku dayo in la janjuubo, waxey keeni doontaa, in arrinka Somaliya uu qas sii galo, oo daba dheeraado. ee ogaada
    Somaliland waxaa khasbi waayey, dawladii maxamed Siyad Barre.

  4. Asc dhamaan akhristayaasha iyo soo saaraha webka Midnimo, intaa ka dib waxaan rabaa inaan halkaan ka dhiibto sida ay ila tahay arinta maqaalkaan, waa wax la wada sugaayey inay Somaliland ka qaylin doonto arintaan oo arin cusub ma ahan balse waxaanba qabaa inay soo raagtay oo hal iyo eber la diray maamulka Somaliland, sababta oo ah hadii aysan arintaan ka hadal wixii shalay ka horeeyey hadal ay hada sheegaan iyo mamcuunicid ay yiraahdaan waa mamnuucaynaa diyaaradaha QM ma ahan mid wax taraysa, sababta oo ah horta aad wax mamnuucdide waxaaa ka horaysa maxaa maamushaa? Sida la wada ogyahay maamulka hawada Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta QM tan iyo dhicitaankii dowladii kacaanka ee 1991, mida labaad mar heshiis la kala saxiixday qaylo la qayliyaa waa uun public deception kale oo aniga shakhsi ahaan ma aaminsani in maamulka Somaliland hada uu ka war helay arintaan balse shacabkooda ayay ku qancinayaan meeshaana waa iska cadahay Soomalia hal dowlad bay leedahay waana dowlada federaalka inta kalena waa maamulo ama hoostaga ama diidan inay aqblaan inay hoostagaan weli.

  5. asc dhamaan bahda Midnimo aad ayaan idn salamay wana ku faraxsanahay howsha aad ino heysaan wana ku faraxsanahay wararkina aad ugu helay waxana wararkina au badantlyihin raja iyo nabad iyo horumarka aad so tabisan hadan fikirkega ka dhibto maqalka waanka xumahay somaliland inay ka xumaato Dowlada Somalia lagu warejiyey maamulka hawada wana ayaan daro inay ka xumaadan horumarka Somalia ay gaartay somaliland waa dalka somalaia Somalia makala go’do waa dad wada dhashay ninka kala saar islahow ninka kalsoc islahow aday taladu ka xumatee war hooyo Somali soomaalaiba leh mahadsanidin bahda Midninimo howshina hore usi wada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here