Somaliland oo sheegtay inuusan jirin qorshe ay ku kulamayaan Siilaanyo iyo Xasan Shiikh

Waxaa jiray warar soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay, kuwaasoo sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh, uu Imaaraadka kula kulmi doono madaxweynaha maamulka lamagac baxay Soomaaliland, Siilaanyo.

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, oo maanta warbaahinta lahadlayay, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo aysan qorshaha ugu jirin inuu Imaaraadka kula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ka jawaabayay warar sheegayay inay suurtagal tahay in labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kulmaan magaalada Dubai, kadib marka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo laabto magaalada Dooxa ee dalka Qadar oo uu kaga qeybgalayo shirka dalalka Carabta.

Maxamed Cabdullaahi Cumar Waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka ay u tageen casuummad ay ka heleen masuuliyiinta dowladda Imaaraadka Carabta.

Laakiin wasiirku waxa uu ku celceliyay inay diyaar u yihiin wada hadalka Soomaaliya, balse aanay ka soo qeyb geli doonin shirka London ee bisha May.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here