Somaliland oo Sheegtay inay Diyaar u Yihiin inay Wada Hadal la Galaan Soomaaliya

Wasiirka arimaha dibada maamumlka soomaaliland maxamed cabdulaahi cumar oo lahadlay laanta Afka soomaaliga ee BBC xili uu ku sugnaa dalka jabuubi oo ay ka dhacaysay munaasabada xuska qoraalka luuqada soomaaliga ayaa waxuu sheegay in ay somaliland diyaar u tahay in uu markale dib u furmo wada hadal u dhexeeya somaliland iyo Soomaaliya.

wasiirka arimaha dibada somaliland ayaa xusay in aanan wali la isku afgaranin waqtiga uu furmayo wada halka iyo goobta uu ka furmayo balse ku celceliyay in ay soomaali land diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato soomaaliya.

Somaliland ayaa waayihii dambe ba dadaal dheer ugu jirtay sidii ay madaxbanaani oga qaadan lahaayeen intra kale ee dalka soomaaliya walow aysan wali ku guulaysan dadaalkooda oo oga go’i rabaan soomaaliya.

Hadalkaan wasiirka arimaha dibada somaliland ayaa waxuu kuu beegmayaa xili ay wasiirada arimaha dibada soomaaliya ay ka soo baxday maamulka soomaaliland oo jago ka qabatay dalka soomaaliya.

wada hadaladaan ayaa la filayaa in ay ka itaal roonaadaan kuwii horay u dhexmaray maamulka somaliland iyo dawladii KMG ee uu hogaaminayay sheikh Shariff.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here