Somaliland oo sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo is-hortaagta shidaal baaris

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa soo saaray amar wax lagaga qabanayo ciddii ka hor timaadda shirkadda Shiidaalka ka baaraysa deegaano ku yaalla maamulka la baxay Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hay’adaha ammaanka ku wargaliyey inay tallaabo ka qaadaan cidii hor istaagta shirkado uu sheegay in deegannada Somaliland ay ka baarayaan macdan iyo shiidaal.

Amarka Siilaayo ayaa soo baxay kaddib markii deegannada la sheegay in laga billaabayo shidaal baaris lagu sameeyay is-hortaag, sida ay lee yihiin dadka goob joogayaal ah.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013 taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka”ayaa lagu yidhi war-saxaaxafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana intaas lagu daray “Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka. Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka”.

Madaxweynuhu wuu sii hadlay “ Sida ku xusan Dastuurka Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan”.

“Waxaan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah”ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here