Somaliland oo sheegatay in ay qabsatay magaalada Buuhoodle

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ay qabsadeen magaalada Buuhoodle kadib dagaalo socday mudo saacada ah oo ay la galeen maleeshiyo deegaanka ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegtay in ay qabsadeen magaalada Buu-Hoodle isla markaana ay ka saareen maleeshiyada deegaanka, isaga oo intaasi ku daray in dadka ay soo dhaweeyeen.

Mr. Xaabsade oo kasoo jeedo gobolka Sool horayna wasiir uga noqday dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankiisu ay xalay dagaal ku qaadeen isla markaana aysan jirin wax qasaara ah oo dhankooda kasoo gaaray.

Dadka magaalada ayaa barakacay waxaana la sheegayaa in duqeymo aan caadi aheyn loo geystay Buu Hoodle oo xarun u ah gobolka Cayn.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee kasoo gaaray dhinacyadi dagaalamay sidoo kalana maleeshiyada deegaanka ayaa haatan ku sugan duleedka magaalada oo ay ka dagaalamayaan.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idin kaga sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.