Somaliland oo qaadacday shirka London Dhageyso

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxmedd Siilaanyo ayaa sheegay ineeysan jirin wax wadahadal ah oo iminka u socda, iyaga iyo doowlada federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in labada dhinac ay isku arki lahaayeen shirka arimaha Soomaaliya ee magaalada London ee bisha May lagu balamay, balse shirkas ayay Somaliland qaadacday waxayna sheegtay ineysan ka qayb galeynin.

Axmed Maxamed Siilanyo, ayaa kadib markii uu mudo Safar ugu maqnaa wadanka Turkiga isaga wafdigii uu hogaaminayay kusoo laabteen magaalada Hargaysa, madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in ay is arkeen Masuuliyiinta ugu sareysa dalka Turkiga, gaar ahaan R/wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arimaha dibadda.

“….Halkaa wufuud baanu ku aragnay, waxaan kawada hadalnay dalka Xaalkiisa iyo Taariikhda naga dhaxeysa, iyo waxyaabaha badan ay nala qaban karaan, sida xaga tacliinta, biyaha, iyo Caafimaadka, waxayna noo ballan qaadeen ineey dhinacyo badan oo dadkeena ubaahanyihiin naga gacan siin doonaan….” Ayuu yiri Md Siilaanyo.

Qaybta 1aad:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/siilaanyo-2.mp3

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta kusoo noq noqnayay hadalo sheegaya in doowlada Qatar ay dooneyso ineey dhex dhexaadiso doowlada Soomaaliya iyo maamulka Samaliland, hase ahaatee madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay ineysan jirin wax xiriir ah oo ay doowlada Qatar lasoo sameysay Somaliland.

Dhinaca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hadlay wadahadaladii doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uuna sheegay in Fursada ugu weyn ee labada dhinac isku arki lahaayeen ay ahayd magaalada London, hase ahaatee Xukuumadiisa hakisay, ka qayb galka kulankaas London, isagoo ka dhawaajiyay in waqti danbe la qorsheeyn karo.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Siilaanyo qaybta 2aad:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/siilaanyo-3.mp3

“….Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya wax mudo badan socday bay ahaayeen, meelo badan baa laga soo hadalqaadaa, laakiin waqti xaadirkaan wax barnaamij ahoo noo socda majiraan, haduu jirna markuu yimaado ayay noqoneeysaa…” ayuu yiri Siilaanyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here