Somaliland oo Puntland kuwareejisay mid kamid ah ragii dilay Shiikh C/qaadir

Maamulka Somaliland, ayaa maanta maamulka Puntland ku wareejiyay Cabdullahi Cismaan Axmed, oo la sheegay inuu kamid ahaa ragii wax ka geystay dilkii Shiikh C/qaadir Nuur Faarax “Gacameey” oo 15kii Bishii Feberaayo lagu dilay magaalada Garowe, xili uu Salaadii casar ku tukanayey Masaajirka Badar ee magaalada Garowe.

Maxkamadeynta eedaysanayaasha loo heysto dilkii AUN Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka bilaabato magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Ninkaan ayaa ubaxsaday dhinaca Somaliland, maalmo kadib dilkii shiikha halkaasoo lagu qabtay, wadahadalo maalmo usocday Somaliland iyo Puntland ayaa ugu danbeyntii maanta suurtagashay in ninkaan lagu wareejiyo gacanta Puntland.

Wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan oo ay wehlinayaan saraakiil Ciidan iyo Xilibaano ayaa kala wareegay deegaanka Ganbamala Ciidanka Somaliland oo ka keenay magaalada Hargaysa.

Puntland, ayaa Somaliland uga mahadceliyay sida ay ugala shaqeeyeen dhinaca amaanka, waana markii ugu horeeysay oo labada dhinac uu dhexmaro xiriir nuucaan oo kale ah, waxayna arintaan gacan ka geysan doontaa amaanka labada dhinac u dhaxeeya, maadaama ay dadbadan isaga kala gooshaan dhulka u dhaxeeya labada maamul.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here