Daawo Sawirada Somaliland oo maanta u dabal degtay 18-ka May

Deegaanaada Somaliland ayaa maanta waxaa looga dabaal degay munaasabada 18-ka May, 22 sano kadib markii ay sheegeen ineey ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Sanadkan ayaa ka duwan sanadadii hore waxaana qaban qaabada xuska loo saaray guddi heer Qaran ah oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana jiray dadaalo lagu qaban qaabinayo xaflado balaadhan oo ka dhacaya caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn sida Burco oo ah goobtii looga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland 22 sano kahor.

Sanadguurada 22aad ee maalinta 18ka May ayaa si weyn looga dareemayaa magaalooyinka waaweyn, waxaana gebi ahaan la xidhay isu socodka gaadiidka.

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas ka jeediyay Khudbad dheer, ayaa sheegay in 22 sano ay Somaliland dadaal dheer ugu jirtay sidii ay u heli lahayd Ictiraaf Caalami ah, loona aqoonsado ineey ka go’aday Somaliya inteeda kale.

Axmed Siilaanyo, waxa uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan suurtagalnimada ineey markale Soomaaliya la midoobaan, waxaana uu sheegay in horay ay u tijaabiyeen laakiin waxa ay hada gooni isugu taagayaana sababteeda ay weli taagantahay, waxaana uu markale ku celiyay in Somaliya aysan markale la midoobeyen.

Axmed Siilaanyo, ayaa dhinaca kale khudbadiisa kusoo hadalqaaday dayaca iyo darxumada ka muuqata dhinaca dhaqaalaha dadka ku dhaqan deegaanada Somaliland, islamarkaasna waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay waxbadan ka qaban doonto.

Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Somaliland Siilaany

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/silaanyo.mp3″]

Sidoo kale waxa uu si maldahan u qiray in Beesha Caalamka ay u diidantahay ineey Ictiraaf siiyaan Somaliland.

18-ka may maanta oo kale dadka ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, waxay u dabaal degaan maalinka ay sheegeen ineey isaga go’een Soomaaliya inteeda kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here