Somaliland oo Mamnuucday Xayeysiinta Goobaha Caafimaadka

Maamulka Soomaaliland ayaa soo saartay Wareegto ay ku mamnuucayaan in xayeysiin loo sameeyo Goobaha Caafimaadka iyadoo aan lasoo marin Xayeysiinta la sameynayo.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Soomaaliland Suleymaan Ciise Xagla-toosiye ayaa sheegay inay ku war gelinayaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee ka howlgasha Deegaanada Soomaaliland inaysan baahin karin Xayeysiin aan iyaga lasoo marsiin oo dhinaca Caafimaadka qaabilsan.

Xagla-toosiye waxa uu sheegay inay arintaan kaga goleeyihiin in mararka qaarkood la xayeysiiyo Goobo Caafimaad oo dawooyin dhacay lagu iibiyo si dadka looga gado waxa dhacay taasi oo caafimaad daro bulshada usoo kordhineysa.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland waxay sheegeysaa in amarkaan uu dhaqan geli doono 9 bishaan oo Isniinta Isbuucaan ku beegan wixii ka dambeeya xilligaasina cidii lagu arko ay tallaabo ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here