Somaliland oo ku dhawaaqday in ay ka qeybgaleyso Shirka London

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta sheegay inuu diyaar u yahay ka qeybgalka Shirka London oo 23-ka bishaan halkaasi uga furmi doono dhamaan dhinacyada siyaasada Soomaalida.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdulahi Cumar oo wareysi siiyey BBC-da ayaa xaqiijiyey in dhamaan sadexda xisbi ee ka jira Somaliland iyo xukumada ay isku raaceen ka qeybgalka shirka London.

Waxa uu sheegay in 80% ay taageersanyihiin shacabka Somaliland shirkaasi oo uu sheegay in ay u arkaan in ay fursad u tahay Somaliland si madaxda caalamka ee halkaasi isugu tageysa ay ugu gudbiyaan qadiyadooda ku aadan sidi ay u heli lahaayeen madax banaani.

“Waxaa noo muuqata in shirkani uu muhiimad gaar ah iyo fursad gaar ah siinaya Somaliland, Somaliland waxay uga qeybgaleysa sifo la mid ah dalalka caalamka ee ka qeybgalays shirka, armaha xaga nabad galyada, la dagaalanka argagixisada iyo sidi mucaawino loogu heli laha Somaliland, iyo iyada oo Somaliland heleyso fursad ay dalalka caalamka ee ka qeybagalaya shirkaasi ugu bandhigi laheyd qadiyadeeda gooni isu taaga,” ayuu yiri.

Dad badan oo kasoo jeeda Somaliland ayaa is weydiinaya sababta ay shirkan u aqbashay dowlada xilli dhamaan shirarki hore ee loogaga hadli jiray aayaha Soomaaliya ay qaadici jirtay.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa dadkaasi ku qanciyey in uu ka duwanyahay shirkaan shirarki hore, Somaliland-na ay ugu jirto fursad ay ku gudbin doonto afkaarteeda dhinaca siyaasada.

Dadka lafa gura siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in shirka London uu yahay shir kaga duwan shirarki hore ka dhabeynta wax ka qabashada xaalada Soomaaliya iyo sidi markaan aduunyada ay hal wado ugu mari laheyd xoojinta dowlad Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

1 COMMENT

  1. Asc sln ka dib een sxb haddaan ka hadlo hadalkan ka soo yeeray somaliland, dabcan somaliland xaq wey u leedahay inay ka qeyb gasho shirka landon, balse gooni isku taag ilama ahan in ay u suurta galeyso sababtoo ah in ka badan 20-sano ayaa caalamku aqoonsan la’yahay taasina caalamku waxay u aaneynayaan in ay yihiin gobollo ka mid ah soomaaliya marka waxaan leeyahay maamulka, ururada iyo shacabka somaliland-ba ka shaqeeya isku duubnida SOOMAALI-WEYN iskana daaya gooni isku taag soomaaliyoo idil waa walaalo.

Comments are closed.