Somaliland oo ka hadashay hadal uu dhawaan jeediyay Md Xasan Shiikh

Somaliladn ayaa kahadashay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo uu kaga hadlay arimo ay ku jireen Somaliland, waxayna Somaliland hadalka kasoo yeeray M/weynaha Soomaaliya ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay Somaliland ka fal celiso hadal dhawaan kasoo yeeray M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu kaga hadlayay arimo ay kamid ahaayeen Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliladn Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xalay hadal ka jeedinayay kulan ballaaran oo ay soo abaabushay Jaamacada (New Generation) ayaa ayaandaro ku tilmaamay dhawaaqa kasoo yeeray masuuliyiinta doowlada Federaalka Soomaliya.

Wasiirka oo kamid ahaa xubnihii ku jiray wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, aya hadaladan ku tilmamay kuwo meel ka dhac ku ah shacabka Somaliland.

Waa markii ugu horeysay ee Masuuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya ay warbaahinta iska weeydaarsadaan hadalo ay isugu jawaabayaan, tan iyo wixii ka danbeeyay heshiiskii ANKARA.

Halkaan ka dhagayso warbixinta oo dhan:https://midnimo.comm/2013/05/20/somaliland-oo-ka-hadashay-hadal-uu-dhawaan-jeediyay-md-xasan-shiikh/somaliland-5/

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here