Somalia:Faah-faahin iyo Sawiro qaraxyo maanta ka dhacay Maqaayad Ku taalo Xeebta Liido

Ugu yaraan hal 2 qof oo ahaa kuwii is qarxiyay ayaa ku dhintay, 7 kalena wey ku dhaawacmeen laba qarax oo ismiidaamin ahaa oo maanta lala beegsaday maqaayada Indian occian oo ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay Xeebta Liido ee Muqdisho oo ah goob ay isugu yimaadaan dad weyne aad u farabadan isugu yimaadaan maalinka Jimcaha.

Goob jooge ku sugnaa goobta ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa koowaad uu kadhacay Al-baabka hore ee maqaayada, sidoo kale waxa uu sheegay in qarax kale uu kadhacay gudaha maqaayada kasoo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Booliska ayaa sheegay ineey rumeysanyihiin in qofka dhintay uu yahay qofkii qaraxa fuliyay.

Dadka qaar eek u sugnaa gudaha maqaayada ayaa noo xaqiijiyay in ninka gudaha isku qarxiyay uu maqaayada ka cunteeyay islamarkaasna uu waqti badan ku sugnaay,  sidoo kale qaar kamdi ah shaqaalaha maqaayada oo aan wareeysanay ayaa noo sheegay in ninkan gudaha maqaayada isku qarxiyay uu dhowr mar kusoo laa laabtay ayna ka shakiyeen, isagoona markii danbe gudaha ugalay musqul halkaas ku taal, kadib markii uu kasoo baxayna uu ku fariistay kursi yaal gudaha maqaayada halkaasna uu isku qarxiyay.

“Qaraxa u horeeyey ayaa ka dhacay albaabka hore ee maqaaxida Indian Ocean waxaana uu ahaa mid gaari lagu soo xirey, qaraxa labaadna waxa uu dhacay markii dadku u carereen dhanka qofka kale ee is qarxiyey, sidaas waxaa Saxaafadda u sheegay Cabdulqaadir Maxamed oo ka tirsan ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Waxaa goobta qaraxu ka dhacay yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Gen.Cabdulqaadir Diini, Taliyaha nabadsugida Gobolka banadir Col. Khaliif Ereg iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah madaxda dowladda federaalka ah.

Afhayeenka ciidanka Booliska Col.Bariise ayaa sheegay in qarax ay ku dhinteen hal qof oo isagu naftiisa qarxiyey, kaas oo horey maqaaxida wax uga cuni jirey, qorshihiisuna ahaa maanta in uu halkaas dad kale ku galaafto, waxaana ku dhaawacmey ugu yaraan 7 qof oo qaarkod dhaawac culus soo gaarey.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya iyadoo 17/2/2013 sidaanoo kale baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meel ladhigto baabuurta ee maqaayada Sea Food, oo iyadu kasoo horjeeda maqaayada maanta qaraxyada lala bartilmaameedsaday.

Maqaayada Indian Occian, ayaa ah maqaayadii ugu horeesay ee laga furay Xeebta Liido, kadib markii Al-shabaab laga saaray magaalada Muqdisho.

Halkaan ka daawo Sawirada Ninkii is qarxiyay:

Maqaayada uu qaraxa ka dhacay
Maqaayada uu qaraxa ka dhacay
Bur-burka baabuurkii qaraxa lagu fuliyay
Bur-burka baabuurkii qaraxa lagu fuliyay
Qaraxa wuxuu baabi'ayay dhismaha Albaabka laga soo galo maqaayada
Qaraxa wuxuu baabi’ayay dhismaha Albaabka laga soo galo maqaayada
Meydka ninkii 2-aad ee isku qarxiyay gudaha maqaayada
Meydka ninkii 2-aad ee isku qarxiyay gudaha maqaayada`

 

 

Ninkii isku qarxiyay gudaha maqaayada
Kursigii uu ku fadhiyay ninka isku qarxiyay gudaha maqaayada
Kursigii uu ku fadhiyay ninka isku qarxiyay gudaha maqaayada
Dhiigii ka faniinay ninka isqarxiyay oo darbiga ku masaxmay
Dhiigii ka faniinay ninka isqarxiyay oo darbiga ku masaxmay
Waa meydka ninka koowaad ee is qarxiyay oo xeebta yaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here