Somalia :Xildhibaano kale oo xilka ka qaaday Cali Guudlaawe Xuseen [Akhriso]

Xiisada ka dhalatay xil ka qaadista madaxweynaha HirShabeelle ayaa ka taagan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaanada HirShabeelle ayaa xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen oo xildhibaano kale ay si KMG ah xilka madaxweynaha ugu doorteen.

Xildhibaano kooban oo taageersan madaxweyne Cosoble ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Jowhar waxay sheegeen inay xilka ka qaadeen madaxweyne ku xigeenkii HirShabeelle.

Waxaa muuqata in xildhibaanada ay labo dhinac u kala jabeen, kuwaasi oo kala taageersan madaxweyne Cosoble iyo ku xigeen Cali Guudlaawe.

Xildhibaanada taageersan Cosoble oo aad uga yar xildhibaanada kale, sida dadka goobjoogayaasha inoo sheegayaan ayaa shalay doortay guddoomiye baarlamaan iyo ku xigeeno, waxayna u muuqataa xaalada inay si masuuliyadi aan ku dheehneen u dhaqmaan dhamaan xildhibaanada.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay dusha uun ka eegeyso waxyaabaha ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda masuul ka hadlay.

Madaxweynaha waayay xilka kalsoonida Cali Cosoble, ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay door ku leeyihiin khilaafka cusub ee ka taagan magaalada Jowhar.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here