Somalia :Xarunta baarlamaanka Galmudug oo la dhagax dhigay [Sawiro]

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta baarlamaanka maamulka Galmudug oo laga hergeliyay magaalada Cadaado.

Xildhibaanada Galmudug ayaa muddo ka badan sanad ahaa kuwo aan laheyn xarun ay ku shiraan, waxayna ku qabsan jireen shirarkooda madaxtooyada Galmudug.

Dhismaha xaruntaasi waxaa maamulka Galmudug ka caawinaya Hay’adda UNDP oo uu sheegay inay ka caawineyso mashaariic kala duwan oo Galmudug laga hirgelinayo.

Wasiir ku xigeenka howlaha guud ee Galmudug iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa ku wehlinayay dhagax dhiga madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here