Somalia :Wiil 12 jir ah oo isku dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir [Akhriso]

Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in wiil 12 jir ah uu isku dilay gudaha degmadaasi.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxa ay kaga dhacday bastoolad uu ku ciyaarayay oo taalay xaafada ay ka degenaayeen degmada Waaberi.

Bastooladda waxaa lahaa wiilka aabihii oo la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, walow aan la sheegin xilka uu ka hayay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiliga wiilka uu ku ciyaarayay bistooladda aabihii uu ka maqnaa qolka , kadibna laga warhelay dhawaqa rasaasta iyo dhimashada wiilka.

Marar badan ayay dhacday in caruurta iyaga oo ku ciyaarayo bastoolado iyo haraadiga waxyaabaha qarxa inay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here