Somalia :Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo iscasilay [Sabab]

Wararka naga soo gaaraya  magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay iska casileen xilalkii ay hayeen.

Wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno ayaa lagu soo waramayaa inay maanta ku dhawaaqeen inay iska casileen xilka ay ka hayeen Hirshabeelle.

Shir jaraa’id oo warbaahinta ay ugu qabteen xarunta Shirkada Farjano ee magaalada Jowhar ayaa waxay ku sheegeen inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen.

Sababaha ay isku casileen wasiiradan ayaa lagu sheegayaa inay tahay wada shaqeyn iyo horumar la’aanta maamulka madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ma jiro war kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo arintaan ku aadan, waxaana socdo mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi,

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta, wasiir ku xigeenka haweenka iyo wasiiru dowlayaal kale ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen.

Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here