Somalia: Shir u furmay wasiirada maamulada Puntland & Galmudug

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo uu ka furmay shir u dhaxeeya wasiirada Galmudug iyo Puntland.

Shirkaasi oo looga hadlayo arimaha amaanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka socdo maamulka Puntland oo dhawaan soo gaaray magaalada Gaalkacyo iyo wasiirada Galmudug.

Shirka waxaa uu ka dhacay koofurta magaalada Gaalkacyo oo maamulka Galmudug uu ka arimiyo, waxayna qeyb ka yihiin kulamo dhanka amaanka ah.

Waxaa horey heshiis uu u dhexmaray madaxda labada maamul kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado, waxyaabaha lagu heshiiyayna waxaa kamid ah in laga shaqeeyo amaanka gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, ayaa ku sugnaa maalmahaan magaalada Gaalkacyo, isaga oo kulamo la qaadanayay dadka deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo wasiiro ka tirsan Puntland ay kulan kaga qeyb galaan koofurta magaalada Gaalkacyo.

Magaalada gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here