Somalia :Wararkii u dambeeyay dagaalada ka dhacaya degmada Buuhoodle

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Saakay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta maamulka Khaatuma.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay Saddex qof ,halka ku dhawaad 6 qofna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay labo garab oo maamulka Khaatuma uu u kala jabay.
Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu Joogsaday inkastoo wali xabado goos goos ah laga maqlaayo Xaafadaha Magaalada Buuhoodle.

Kooxihii dagaallamay ayaa lagu soo waramaya in ay hadda kula sugan yihiin labada dhinac ee Magaalada.

Waxgaradka maamulka Khaatuma ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo xaaladda Buuhoodle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here