Somalia :Uganda oo xaqiijisay Tirada askarta looga dilay Shabeelaha Hoose

Wasaaradda difaacada dowladda Uganda ayaa markii ugu horeysay ka hadashaday sheegashadii Al-shabaab ee aheyd inay dileen askar badan oo u dhashay dalkaasi Uganda.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo Alshabaab ayaa ka dhacay deegaan ku dhow deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada loo galay wadada u dhaxeyso Shalambood iyo Buulo-Mareer.

Wasaarada difaaca Uganda ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in weerarkaasi looga diay 12 askari halka 7 kale looga dhaawacay, kuwaasi oo u dhashay dalka Uganda.

Qoraalka wasaarada difaaca waxaa lagu sheegay in dhankooda askar badan ay ka dileen Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka lagu dagaalamay.

“Weerarkii Shabeellaha Hoose waxaa nalooga dilay 12 Askari oo ka tirsan Amisom, 7 kalena waa nagala dhaawacay, Ciidankeena way iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, dhankoodana waxaan gaarsiinay khasaare.” Waxaa sidaasi lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca dalka Uganda.

Al-shabaab waxay dhankooda horey u sheegeen iney ku dileen weerarkaasi 39 askari oo Uganda u dhashay kana mid ahaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here