Somalia :Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay dalka Pakistan

Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ku dhintay 15 qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.

Magaalada Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxaana sidoo kale ka dhaca rabshado.

Mas’uul ka tirsan maamulka Quetta ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Mid loo adeegsaday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Pakistan waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo khasaaro geystay, walow ciidamada amaanka ay feejignaan ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here