
Warbixin ay dhawaan soo saartay ha’yadda Freedom House oo xaruunteedu tahay dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in qabyaaladdu ay bedeshay dhibaatadii ay maamulada kali-taliska ah ku hayeen siyaasadda Africa.
Barnaamijka Faaqidadda ayaa waxaa marti u ah aqoonyahanno Soomaaliyeed oo si qota dheer uga doodaya saamaynta ay qabyaaladdu ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.
Khubarada ka qayb galaysa doodad ayaa kala ah :-

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Bare ka ah kuliyadda Macalester College ee dalka Maraykanka, waxaana uu ka mid ahaa musharaxiintii u tartamaysay doorshadii madaxtinimada Soomaaliya ee u dambaysay.
Prof. Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow oo isaguna ka mid ahaa musharaxiintii ka qayb galay tartanka madaxnimada ee Soomaaliya.

Mr Abuukar Carmaan oo ahaa ergaygii hore ee dawladda Soomaaliya u joogay Maraykanka.
Pro. Cali Cabdiraxmaan oo bare ka ahaa jaamacaddii umadda Soomaaliyeed
Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
Doododa Xiisaha Leh Halkan ka Dhageyso
1- [powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/badiyosamatar1.mp3″]
2-[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/badiyosamatar2.mp3″]
Waxgaradka hadlay hadaladooda waa sax laakiin aaway dadkii hirgelin lahaa. As a hooyo ahaan waxaan hooyooyinka soomaliyeed ku baraarujin lahaa in aan annagu masuul ka nahay barbaarinta qabiilka, maxaa yeelay haddii ilmaha markey yar yihiin aan ku soo barbaarino in aay cadaalad falaan oo aysan u kala eexan dadka oo qabiileysga waa qurune ka leexdaan, una kala micneyno macnaha qabiilka iyo qabyaalada, ama qabiileysiga oo u sheegno in ALLE necab yahay dadka oo loogu kala eexdo qabiileysiga, waxaan u maleynaa in aan soo saari laheyn bulsho horusocod leh oo aduunka wax la geybsan karta. qoraalka yaanan ku sii dheeraane hooyooyinka tababarka iyo barbaarinta qoyska wax haka bedeleen oo xitaa odeyga hakala dagaasho eexeysiga illeyn qabiileysi micnihiisu waa eexeysiye. Wa bilaahi towfiiq
wixii lagu tirtiri lahaa qabyaaladda soomaali baa diidday,waana shareecada islaamka.nimankan aqoon yahannada ahina mid shareecada islaamka taageeray ma jiro hore iyo gadaalba.
asc walaalo marka hore towfiiqda allaha na waa fajiyo
runtii waxay ila tahay dhibaatada qabiilka sidii loo ga bixi
lahaa waxaa ka hadlay aqoon yahanada waxay ila tahay xisbiyo
in la gu badalo qabiilka