Somalia: Puntland oo sheegtay tirada Al-shabaab ee ay dishay [Dhageyso]

Saraakiil u hadashay maamulka Puntland ayaa sheegay inay dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada buuraha Galgala.

Taliyaha Ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalyahanada ay dileen ay gaarayaan 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil sarsare.

Saciid Dheere Waxaa uu sheegay in lagu dilay raggaas howlgal ay fuliyeen Ciidamada maamulka Puntland , kasoo ka dhacay Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Weerarada iyo Qaraxyadda ka geysta Puntland qaarkood ay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya.

Saciid Dheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ciidamada maamulka Puntland ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here