Somalia oo noqtay dalka ugu dhimashada badan caruurta yar yar

Hooyo iyo caruur
Hooyo iyo caruur

Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in dalka Somalia uu noqday kan ugu sareeya ee ugu dhimashada badan caruurta da,doodu ay ka yartahay shanta sano.

Warbixin kasoo baxay Unicef ayaa lagu sheegay in 1,000-ki caruur ee dhalata ay dhintaan 180 ka mid ah taasi oo ah tiro aad u badan marka laga eego dalalka kale ee Africa iyo kuwa caalamka.

Ghana ayaa tilaabo weyn u qaaday sidi ay u yareyn laheyd xadiga caruurta dhimata marka ay dhashaan iyada oo sameysay talaal ka hortaga cudurada faafa iyo daryeel loo sameeyo hooyooyinka uurka leh.

Laakin saraakiisha Unicef ee Galbeedka Africa ayaa sheegaya in taasi aysan ku filneyn loona baahanyahay in marka la gaaro Yoolka Qaramada Midoobay ee xaga horumarinta NICEF  (United Nations Millennium Development Goal) ee sanadka 2015 in la yareeyo tirada caruurta dhimata marka ay dhashaan oo laga dhigo sadex qeyb laba.

Dalalka ugu hoseeya xaga dhimashada caruurta shanta sano ka yar ama kuwa dhasha waa Sweden iyo Finland oo 1,000 caruur ah ee dhalata ay xijaabtaan sadex.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.