Somalia : Maxkamad xukuntay nin Wadaad Dukanayay Masjid ku dilay

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday ruux loo heystay inuu ka dambeeyay dil wadaad caan ahaa loogu geystay masjid ku yaala magaalada Baydhabo.

Xukunta lagu riday gacan ku dhigle Maxamed Aadan Boorow ayaa ah dil toogasho, kadib markii lasoo taagay maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Wadaadka la dilay ayaa lagu magacaabayay Madeer Caliyow, waxaana lagu dhex dilay masjid ku yaala magaalada Baydhabo, isaga oo Salaada Taraawiixda dukanayo.

Maxkamada ayaa sidoo kale xabsi ku xukuntay labo ruux oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen dilka wadaadka islamarkaana ay caawinayeen ruuxa dilka geystay.

Waa xukunkii labaad oo saacado gudahood ay rido maxkamada ciidamada Qalabka sida, 48 saac ka hor ayay aheyd markii dil lagu xukumay askari dilay wasiir hore.

Guddoomiyaha maxkamada

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here