Somalia :Maxay tahay ujeedada booqashada Erdogan ee Kuwait, Sacuudiga iyo Qatar ?

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Dayib Erdogan ayaa waddo xal diblumaasiyadeed oo lagu dhameynayo khilaafka wadamada Khaliijka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa booqashada ku tagi doono dalka Kuwait oo dhexdhexaadiye ka ah dalalka Khaliijka iyo dalalka Sacuudiga iyo Qatar.

Dowladda Qatar ayaa 5 June go’doomin kala kulantay dalalka Sacuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar kuwaasi oo ku eedeeyay inay Argagixisada taageerto, walow Qatar ay beenisay.

Erdogan, ayaa ku hormaraya dalka Sacuudiga isaga kadib tagi doono dalka Kuwait una sii gudbaya dalka Qatar oo saldhig ciidan uu ku leeyahay.

Erdogan ayaa horay ku baaqay in laga qaado xayiraada dalka Qatar, isla markaana aanay xilligan munaasib aheyn in dal muslim ah in la cunaqabateeyo.

Horey ayuu u sheegay in muhiim ay tahay in xal diblumaasiyadeed laga gaaraa xiisada ka taagan dalalka Khaliijka dhexdooda.

ARCHIV – Der türkische Premierminister Recep Tayyip Erdogan winkt am 09.02.2014 während einer Wahlveranstaltung in Istanbul. Foto: Sedat Suna/epa (zu dpa “Papst beginnt Türkei-Reise – Treffen mit Präsident Erdogan” vom 28.11.2014) +++(c) dpa – Bildfunk+++

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here