Somalia :Maxay tahay sababta Cali Cosoble uu degmooyinka cusub Hiiraan kaliya uga dhigay

Madaxweynaha maamulka HirShabeele ayaa bil gudaheed magacaabay degmooyin cusub oo kamid noqonayo degmooyinka gobolka Hiiraan, isagoo aan Shabeelaha Dhexe siinin wax degmo ah.

Qaar kamid ah xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka HirShabeele ayaana arintaasi si weyn kaga soo horjeestay, kuwaasi oo dhaliilay qorshaha madaxweynaha HirShabeelle.

Xogo badan oo la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha HirShabeele uu doonayo in labo gobol uu ka dhigaa gobolka Hiiraan, taasi oo caqabado iyo culees badani uu ka dhalan karo.

Waxaa soo baxaya in qorshahaasi uu kusoo kordhay booqashadii u dambeysay ee uu ku tagay magaalada Beledweyne, isagoo ku qanciyay beeshiisa inuu labo ka dhigayo Hiiraan, isagoo soo celinayo gobolka Shabeelada Sare.

Sheikh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ahaa doonayay in dad badan uu ka helo Hiiraan ayaa isku dayay inuu labo gobol ka dhigo, weyna suuro gali weysay, waxaana hadda Cali Cosoble uu doonayaa inuu qorshahaasi soo celiyo.

Waxgaradka kasoo jeedo Shabeelaha Dhexe ayaanan wali ka hadlin, balse xildhibaanada baarlamaanka ayaa wado mooshin ay doonayaan inay xilka kaga qaadaan.

Cali Cosoble ayaa horaantii bishaan magacaabay afar degmo, waxaana kadib uu culees kala kulmay mid kamid ah beelaha daga Buulo barte oo uusan siinin wax degmo ah, wuxuuna kadib ku daray afar degmo uu ku qancinayay beesha Baadi-Cadde.

La soco qormooyin dhowr ah oo la xiriira qorshaha madaxweynaha HirShabeele Cali Cabdulaahi Cosoble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here