Somalia :Maxay AMISOM la kulantay Shalay [Akhriso+Sawirro]

Ciidamada AMISOM qaarkood ayaa shalay la kulanmay arin aysan fileyn inay ku qabsaneyso magaalada Muqdisho oo isbadal iyo isdhexgal uu ka jiray sanadihii ugu dambeeyay.

Ciidamada AMISOM ayaa loogu dhacay gaarigooda, kadib markii ay isku dayeen inay maraan goob ay banaanbax ka dhigayeen dhalinyaro ka careysnaa waddooyin badan oo laga xiray.

Waxay galeen gudaha gaariga ay la socdeen ciidamada AMISOM, iyaga oo kala baxay waxyaabaha u saarnaa gaariga, sida uu Midnimo Online u xaqiijiyay qof kamid ah dadka deegaanka.

Sida sawirada ka muuqato waxaa la arkayaa ciidamada AMISOM oo aanan gaariga ku jirin iyo dadka shacabka ah oo u dhacaya gaadiidka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here