Somalia :Lacagtaada ka baahnow !!! [Warbixin]

Gobolada dhexe ee dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa wali ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay diidmada lacagta Shilin Soomaliga.

Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ilaa deegaano ku dhow magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka taagan xaalad dhanka nolosha ah.

Dadka reer miyiga ayay si weyn u saameysay diidmada lacagta Shilin Soomaaliga oo ka taagan Hiiraan ilaa Mudug meelo kamid ah.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan goboladaasi ayaa sheegay inay ka baahan yihiin lacagtooda, maadaama ay heystaan Shilin Soomaali badan.

Waxay sheegeen in ganacsatada ay ku qasbaan inay lacagtooda ay doolar kasoo dhigtaa ama ay ugu wareejiyaan EVC Plus oo shirkada Hormuud ay taabo gelisay.

Laakiin dhibaatada ayaa ah yaa marka hore dadkaasi lacagta u sarifaya?

Dhibaatada ugu weyn ayaa qabsatay haween reer Miyi ahaa oo xoolahoodii ku iibsaday Shilin Soomaali, balse markii suuqa ay tageen laga diiday inay iyagana wax ku iibsadaan.

“Marka aad magaalada Joogto Nus doolar ayaad beelaha shaaha ku tuuraneysaa, waxba laguuma soo celinayo sidii markii hore , waad usoo laabaneysaa oo markale ayaad koob shaah ah ku cabeysaa”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Gobolka Galgaduud ayay sidaan oo kale ka jirtaa dhibaatada, waxaana meelaha qaar ka bilaabatay isticmaalka lacagta Birta Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here