Somalia :Koofur Galbeed oo sheegtay dadka ku dagaalamaya Marko

Maamulka koofur Galbeed ayaa shaaciyay dadka ku dagaalamaya magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Wasiirka beeraha ee Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ahna kusimaha madaxweynaha maamulkaasi ayaa sheegay in shacab iyo Al shabaab ay ku dagaalamayaan magaalada Marko.

Wasiirka ayaa sheegay in Al shabaab ay doonayaan inay qabsadaan magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, balse shacabkaasi ay ka horjeedaan, sida wasiirka uu sheegay.

“Maamulka Koofur Galbeed iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo Nabad diidka Shabaab ayuu dagaalka u dhaxeeya, dhowaanahan Al-Shabaab wey soo laba kacleeyeen, meelihii baadiyiha waa laga soo saaray”

“Waxay xoogga soo saareen magaalada Marko, oo ay rabaan inay gacanta u gasho, maadaama magaalo istiraatiiji tahay, waana laga hortagay”ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Marko ay tahay magaalada Ganacsiga ee Koofur Galbeed, islamarkaana aysan ogolaan doonin in Al Shabaab ka dhigtaan saldhig.

Ma jiro wax xaqiijin karo in dagalka uu u dhaxeeyo Al shabaab iyo shacabka, waxaana marar badan ku dagaalamay magaaladaasi maleeshiyo beeleed.

Wasiirka beeraha ee Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi
                                  Wasiirka beeraha ee Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here