Somalia :Kenya oo bandow kusoo rogtay gobolka Waqooyi bari

Dowladda Kenya ayaa bandow saacado badan ah kusoo rogtay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, kadib markii dilal iyo weeraro qorsheysan ay ka dhaceen.

Bandowga ayaa bilaabanaya abaaro 06:30 pm maqribnimo, waxaana looga digay dadka inay xiligaasi waxii ka dambeeyo ay sameeyaan dhaqdhaqaaq.

Amni daro baahsan oo kusoo korortay gobolkaasi ayaa sabab  u noqotay in bandowgaasi muddada saacadaha ah soconayo lagu soo rogaa gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shaaciyay in badowgaasi uu socon doono ilaa inta laga xaqiijinayo amaanka guud ahaan ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro kala duwan ka geystay gobolka Waqooyi bari, waxayna ku dileen boqolaal shacab Kenyan ah.

Shalay ayaa meydka ruux la gowracay laga helay deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here