Somalia: Iran oo maraakiib dagaal usoo dirtay Somalia

Dowladda Iran ayaa maraakiib dagaal usoo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dalalka la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Maraakiibtaan dagaal ayaa soo mari doona dalka Cumaan iyaga oo kadib usoo gudbi doono xeebaha badweynta India iyo xeebaha Soomaaliya oo kooxaha burcad badeeda ay kula dagaalamayaan.

Maraakiibtaan ayaa ka mid noqonaya maraakiib dagaal oo horey ugu sugnaa xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan kuwaasi oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo ay dowladda Iiraan ay maraakiib dagaal ay usoo dirto biyaha caalamiga si ay qeyb ugu noqdaan howlgal la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo ku geysteen Maraakiib ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Maraakib dagaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here