Somalia :Hooyo Dhimirka beeshay Markii la toogtay wiil ay dhashay

Hooyadan oo ka mid ah bulshada degan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay dhimirka beeshay, ka dib markii wiil ay dhashay uu ka mid noqday afartii wiil ee 24-kii bishii hore ee July lagu dilay degmadaasi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland, ayaa waxay toddobaadkan Degmada Beled Xaawo ku maxkamadeysay masuuliyiintii degmada, ka dib markii lagu soo eedeeyay inay dileen afar ka mid ah dhalinta deegaanka.

Maxkamadda waxay qiraalkeeda ku sheegtay in laba ka mida dhalinyaradaasi ay ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab, halka labada kalana lagu khaldamay, magna la siin doono qoysaskooda.

Masuuliyiinta Degmada Beled Xaawo oo dhawr cisho ku xirnaa Degmada Doolow, ayaa maxkamaddii lagu soo taagey Beled Xaawo ka dib, waxaa loo fasaxay inay shaqooyinkoodii sii wataan.

Hooyo Falxado Cali Daahiye oo ah hooyada dhashay Ismaaciil Sugow Salaad Jilicow oo ka mid noqday labada wiil ee la sheegay in lagu khaldamay, ayaa waxaa la sheegay in laga hor istaagay goobtii lagu maxkamadaynayay masuuliyiinta degmada.

C/casiis Sugow Salaad oo la dhashay Ismaaciil Sugow Salaad, ayaa sababta ay dhimirka u beeshay hooyadii ku sheegay, iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida kaga fadhisay inay toogan doonto kuwii dilay wiilkeeda, oo aanay marnaba ka sugeynin diyo lagu xukumo raggaasi inay bixiyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here