Somalia: Ganacsatada Beledweyne oo magdhow ka dalbaday HirShabeelle (Sawiro)

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa lacag magdhow ah ka dalbaday maamulka HirShabeelle, maadaama lacago badan oo been abuur ah la geeyay deegaanada maamulkaasi.

Kulan ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, waxaana ganacsatada ay sheegeen in lacago badan oo ay soo bandhigeen ay dhibaato ku qabaan, maadaama been abuur ay yihiin.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo Ganacsatadda gobolka Hiiraan.Dhawaan Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka dhacay Sicir barar xooggan kadib lacagta Shilinka Soomaaliga laga diiday qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here