Somalia :Galmudug “Dagaalka Xeraalle wax shaqo ah kuma lihin”

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay cadeeyay inaysan marnaba wax door ah aysan ku laheyn dagaalka ka dhacayo deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa sheegay in maamulkiisa uusan wax door ah ku laheyn dagaalada ka dhacaya deegaanada hoostago gobolka Galgaduud.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo jeediyay maamulka Galmudug oo aheyd inay qeyb ka yihiin dagaalada ka dhacaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

“Dagaalka ka socda Xeraale walaalahayn reer Xeraale iyo dadka meesha ku howlan dagaalkaa waxaan ka rajeyneynaa iney ilaahay ka baqaan oo umaddooda u naxaan, dadkana dagaalka ay ka daayaan, Galmudug ayaa ka dambeysa dagaalka wax ka jiro lama arko,”

“Galmudug dagaalka kuma jirto, umana socoto, horeyna uma gelin hadana ma geli doonto, waxaan leeyahay walaalahay Ahlu-sunna iney ka waantoobaan arrinta dagaalka oo ka joojiyaan dadka”

“Waa la barakacay, umad badan baa inkaar iyo magac xumo ku dhaceysa, haka joojiyeen dagaalka, hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri Madaxweynaha oo saxaafadda la hadlayay.

Hadalkaan wuxuu jeediyay kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Goobjoog oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

Axmed Ducaale madaxweynaha Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here