Somalia: Gaadiid Qaraxyo ku xiran yihiin oo la qabtay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dowladda ay gacanta ku dhigeen labo gaari oo qaraxyo ay ku xirnaayeen.

Gaadiidka oo noocyada ay yihiin wali aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxaa lagu qabtay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Wararka waxay sheegayaan in gaadiidka laga qabtay agagaarka isgoyska Afar Irdoodka ee degmada Xamarweyne.

Dad badan oo shacab ah ayaa ku ganacsada agagaarka goobta labada gaari ee qaraxyada ah lagu qabtay.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here