Somalia: Dowladda oo wadahadal la bilowday Abuu Mansuur

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadal la bilowday Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan laga saaray liiska shaqsiyaadka ay doon dooneyso dowladda Mareykanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Sheikh Mukhtaar Roobow uu dhankiisa daneynayo inuu kusoo biiro dhanka dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ciidamo laga diray deegaanada Koofur Galbeed ayaa gaaray deegaan uu ku sugan yahay Abuu Mansuur oo ku yaala gobolka Baay, si ay kaga difaacaan weerar kaga yimaada Al-shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay inuu jiro qorshe Abuu Mansuur uu ugu soo biirayo dhanka dowladda Soomaaliya.

Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa xubno naftooda kala cararay hogaamiyihii Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here