Somalia Dhacdo naxdin badan oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ruux maseersanaa uu qoorta ka gooyay xaaskiisii.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haweeneyda la gowracay ay aheyd 19 sano jir laheyd uur 4 bilood ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ruuxa falka geystay ayaa ka baxsay xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadkii tagay goobta falka uu ka dhacay ayaa nala wadaagay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna yiri:-

“Waxaa ka dhacday xaafada dhacdo la yaableh, mar aan suuqa soo aadnay ayaa naloo sheegay in gabadha qoorta laga gooyay, meydkeedana waan aragnay, ninkana wuu maser sanaa ayaa la dhahay”ayuu yiri goobjoogaha.

“Ninka wuu baxsaday qaraabo ayayna ahaayeen ninka iyo gabadha falka loo geystay, waa dhacdo aad looga naxay oo dadka ay hadal hayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaanka ku aadan sida ay wax u dhaceen, sida uu sheegay taliyaha saldhiga degmada Yaaqshiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here