Somalia :Ciidamo isku dhaf ah oo tababar loogu soo idleeyay Gaalkacyo

Ciidamadii ugu horeeyay oo isku dhaf ah oo maamulada Puntland iyo Galmudug ay yeeshaan ayaa tababar loogu soo gabogabeeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidamada booliska, madaxweyne ku xigeenada Puntland iyo Galmudug, saraakiil ciidan iyo ajaaniib tababarka bixineysay ayaa ka ka qeyb galay munaasabada oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Xaaji Cameey ayaa kul dardaarmay ciidamada inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo tababaray,

Taliyaha ciidamada Booliska Gen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo dhankiisa  goobta hadal ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay labada maamul maadaama ay sameeyeen ciidamo isku dhaf ah oo amaanka wada xaqiijiya.

Wuxuu kula dardaarmay dhankiida ciidamada tababarka loosoo xiray inay ka dhabeeyaan tababarka u socday mudada 20 ka maalin.

Hoos ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here