Somalia : Ciidamo Ethiopian ah oo la wareegaya deegaanka Leego

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka socdo dalka Ethiopia loo qorsheeyay inay tagaan degmada Leego oo ciidamada AMISOM ay baneeyeen.

Ciidamo ka socdo dalka Ethiopia oo la qorsheeyay inay la wareegaan degmada Leego ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida masuuliyiin maamulka Koofur Galbeed ka tirsan ay inoo sheegeen.

Deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muhiim u ah isku xirta wadada xiriiriso magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray magaalada Baydhabo, watana Gaadiid aad u fara badan ayaa doonaya in ay duulaan qorsheysan ku qaadaan degaanka Leego oo ay ka saaraan Shabaab.

Ciidamada Itoobiya Sahayda ay ka helaan AMISOM waxaa loo mariyaa dhanka dhulka, waxaana laga qaadaa magaalada Muqdisho, halka iminka ay noqoneyso in Diyaarado lagu geeyo degaanada ay joogaan Ciidamada Itoobiya ee koonfurta Soomaaliya, kuwa ku howlgala magaca AMISOM.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee yimid magaalada Baydhabo ayaa saraakiisha horkacaya waxaa laga soo xigtay qorsdhohooda in uu yahay in ay Shabaab ka saaraan degaanka Leego, islamarkaana halkaasi fariisin cusub ay ka sameystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here